Muqdisho : Qaraxyo Baabuur oo laga digay

Uncategorized

Digniino ku aadan weeraro Al-Shabaab ku qaado Garoonka diyaaradaha iyo Labo Hotel oo ku yaalla Wadada Maka Al-Mukarama ayaa la soo saaray, iyadoo farriimahan la xiriira digniinahan ay soo saareen sirdoono shisheeye oo ku sugan Xerada Xalane.

Fariimahan ayaa loo kala dusiyay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Hey’addaha ammaanka dowladda Soomaaliya, sida NISA waxaana lagu sheegay inay dhici karto weeraro ay abaabulayaan Al-Shabaab ku qaado Hotelo ku yaalla Wadada Maka Al-Mukarama iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Xogta ayaa sheegeysa in labo baabur qaraxyo loo diyaariyay iyo kuwo ay la socdaan dabley hubeysan ay jiraan oo qeyb ka ah weerarada.

Al-Shabaab ayaa jimcihii labo weerar oo qarax iyo mid toos ah ku qaaday agagaarka Madaxtooyada iyo Hotelka Doorbin oo ku yaalla KM-0 oo u dhow Xarunta NISA.

Shirkii Khamiista ee Golaha Wasiirada ayaa laga soo saaray digniin amni oo ku aadan baabuur qaraxyo sida, iyadoo maalin kaddib magaalada ay ka dhaceen labo qarax oo dad badan ku dhinteen.

Dhinaca kale waxaa caawa la xiray Isgoyska Siinaay, halkaasoo lagu arkay gaadiid looga shakiyay in qarax uu saaran yahay, waxaana ciidamada ammaanka oo goobta la wareegay ay dadka ka celinayeen inay wadadaas maraan.

Xaalada ammaanka ee Muqdisho ayaa is bedel laga dareemay, iyadoo heerka qatarta amni ay sare u kacday, iyadoo heegan iyo feejignaan sare la geliyay Ciidamada ammaanka.