Home > Wararka Dibadda > Canada xisbiga liberal-ka oo marlabaad ku guulaystay doorashada dalkaas

Canada xisbiga liberal-ka oo marlabaad ku guulaystay doorashada dalkaas

Wararka Dibadda Wararka Maanta

 

Inkastoo aanu Xisbiga Trudeau ku guuleysan kuraastii loo baahnaa ee Aqalka Baarlamaanka, hadana waxaa laga doonayaa inuu kaashado axsaabta siyaasadda kale, si uu u soo dhiso dowlad isbaheysi ah, maadaama uusan helin aqlabiyadii loo baahnaa.

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay fadeexado ku soo baxay xilligii Ololaha doorashada, waxaana Xisbigiisa uu loolan adag kala kulmay Xisbiga Midigta dhexe ee loo yaqaano Conservative-ka.

Xisbiga Liberal-ka ayaa xilka heyn doona afarta sano ee soo socota, waxaana guusha ay ka soo hoyeen doorashada laga soo dhoweeyay gobolada ay ku xooggan yihiin taageerayaasha Xisbigaas.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!