Dabley katirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Gedo

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo dabley ka tirsan Al-Shabaab uu ka dhacay saldhig ciidanka dowladda ku leeyihiin halkaas.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay weerareen saldhigga, waxaana labada dhinac dhex maray dagaal muddo socday.

Ciidamada dowladda ayaa dagaalka ku dilay illaa labo dagaalame, halka ay ku furteen saddex qori oo mid ka mid ah uu ahaa qoriga loo yaqaano Baasukaha garbaha laga rido.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Garbahaarey ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka ay ku soo qaadeen Al-Shabaab, ayna ka war hayeen markii hore dagaalka ay soo qaadayeen.

Ciidamada dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada duleedka Garabahaarey, iyagoo ku daba jira raadka kooxdii weerarka soo qaaday.