Cajiib:Tababare Laga Ceyriyay Koox Uu Hogaamiyay Laba Kulan

Ciyaaraha

Olympiacos ayaa ceyrisay tababare Victor Sanchez , kaas oo kaliya 47maalmood  mas’uul ka ah kooxda.

40-sano jirkaan ayaa loo magacaabay  kooxda ka dhisan Greek  23-kii bishii June ee sanadkaan , laakiin kooxda ayaa ku guuldaraysatay inay u soo baxdo Champions League.

Olympiacos ayaa 1-0 waxaa ku garaacday kooxda Hapoel Be’er Sheva  ee isreebreebka wareega seddaxaad Champions League, iyagoo gabi ahaanba isaga baxay tartabka taasoo noqotay caqabadii ugu horeysay.

Sanchez ayaa haatan shaqadiisa laga ceyriyay isagoo  markii hore laga soo  ceyriyay kooxda Deportivo La Coruna horaantii xagaagan.

Xiddigii hore ee reer Spain ayaa horey u ahaa ku xigeenka tababaraha Olympiacos, isagoo ku qaatay kaliya hal sano naadiga Deportivo uu macalin u ahaa.

Comments are closed.