Cabdi Samad Macalin Maxamud oo loo magacaabay……

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Siyaasi Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa loo magacaabay Madaxa wadahadalada Galmudug, Warqad ka soo baxday wasaaradda arimaha gudaha dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in Cabdisamad uu Madax ka yahay geedi socodka dhameystirka heshiiska ay gaareen Galmudug iyo Ahlu sunna.

Cabdisamad ayaa xilka haynaya ilaa ay si dhab u midoobaan labada Maamul, isagoo xariirin doona Beesha caalamka, Dowladda federaalka iyo dhinacyada heshiiyey. Fulinta heshiiska ayaa la filayaa in ay waqti qaadato. Siyaasi Cabdi Samad ayaa waxaa dhalay Macalin Maxamuud Sh. Xasan Hogaamiyaha ugu sareeya Ahlu sunnada gobolada Dhexe.