Wariye Coldoon oo 2 sano xabsi ah lagu xukumay

Wararka Maanta

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo mudooyinkaan ku xirnaa magaalada Hargeysa ayaa saaka lasoo taagay Maxkamadda Hargeysa, waxaana  lagu xukumay laba sanno oo xarig ah.

FB_IMG_1491636636720

Maxkamadda ayaa Cabdi maalik ku eedeysay inuu ku xadgudbay madax banaanida Somaliland.

Xarigga Coldoon ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed u arkaan xad gudub ka dhan ah xuriyadda hadalka, Somaliland ayaa caan ku ah inay xirto dadka kasoo jeeda deeganadaas ee Xamar u safra, ama ka hadla midnimada Soomaaliya.