Buugga BILLADII HAL-ABUURKA oo lagu soo bandhigay Cadaado (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Madasha Heego Forum ayaa Magaalada Cadaado ku qabatay Bandhigga Buugga Billaddii Hal-Abuurka oo ay qortay Bushra Cabdullaahi Ismaaciil, dadka ka qeybgalay Bandhigan ayaa u badnaa ardayda dhigata Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare Cadaado.

Qoraaga Buuggan Bushra Cabdullaahi ayaa horey buugaan ugu soo bandhigtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Galkacyo, waxaana Magaalada Cadaado noqonaysa Magaaladii 3aad ee ay Buugaan ku soo bandhigto, iyadoo ka mahad celisay Soo dhaweyn iyo marti galintii ay u sameeyeen Dhalinyarada Cadaado. Sidoo Kale Bushra ayaa ka qeyb galayaasha u sharaxday Nuxurka Buuggeeda.

Bandhigan ayaa sidoo kale Waxaa ka hadlay Madaxda Heeggo iyo marti sharaf kale, waxayna boogaadiyeen Qoraaga buugga Billaddii Hal-Abuurka, Munaasabadda ayaa ku soo dhamaatay jawi farxadeed.