Madaxweyne Xaaf oo Maanta imaanaya Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa maanta imaanaya magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah. Xaaf oo muddooyinkan ku maqnaa magaalada Muqdisho ayaa Cadaado u imaanaya diyaargarowga soo dhaweynta Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqan doona 5 magaalo oo ka tirsan deegaanada Galmudug, Galkacyo, Cadaado, Cabudwaaq, Dhuusomareeb iyo Guriceel. 16 ka bishan ayaa la filayaa Madaxweynuhu inuu Magaalada Dhuusamareeb uga qeybgalo dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunno.

Mr. Xaaf ayaa mucaarado xooggan kaga imaanaysaa Bulshada Cadaado oo saluugsan hab loo maareynayo heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunno. waxaana Shirar aan kala joogsi laheyn maalmihii la soo dhaafay ka socdeen Cadaado. shirarkaas oo lagu gorfeynayey sida laga yeelo xiligan kala guurka ah.  Beesha Caalamka ayaa Xaaf ku cadaadinaysa inuu xaliyo tabashooyinka deegaanada qaar ka qabaan heshiiska Ahlu suno ka hor inta aan la tagin dhuusamareeb.

Comments are closed.