Galmudug oo bilaabaysa doorashada Golaha Shacabka BFS

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ka hadlayey munaasabadda sagootinta Ra’iisulwasaare Rooble ayaa sheegay in ay dhawaan bilaabayaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya

“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Galmudug, waxaan diyaar u nahay in aan maalinta barri ah guda gali doono 5ta xubnood ee ugu horreysa doorashada aqalka hoose. Guddiga doorashada ayaan ka sugeynaa dardargelinta doorashada golaha shacabka BFS”.