Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta u codeeyey mooshin kalsoonida kala laabanaya golaha wasiirrada ee maamul goboleedkaasi.
Kulankii maanta ayaa waxaa fadhiyey 57 xubnood, waxaana kalsooni kala noqoshada wasiirada ogolaaday 47 xildhibaan, waxaana diiday hal xildhibaan, halka 9 mudane ay ka aamuseen.
Baarlamanka ayaa ku eedeeyey xukuumadda wax qabad la’aan. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagu sheegay inuu soo dhisi doono dawlad cusub.