Shirka caalamiga ah ee madasha iskaashiga soomaaliya oo goordhaw ka furmay muqdisho

Wararka Maanta

Shirka Caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somali Partnership Forum) ayaa goor dhow ka furmay halka loo yaqaano Hangarka Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shirka furay, iyadoo hareerihiisa ay fadhiyaan Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madiera.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa ka hadlay horumarada dowladda sameysay, isagoo ka warbixinaya labadii sano wixii dowladda u qabsoomay, waxaa uu xusay in dowladda ay diyaarisay sharciga doorashooyinka oo hor-yaala Baarlamaanka, isla markaana doorashada ay noqon doonto mid dadweyne.

Shirkan ayaa heerkii la filayay aanan uga muuqan madasha, maadaama aysan shirka ka soo qeyb galin Maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, sida Puntland iyo Jubbaland.

Shirkan oo socon doona labo maalmood ayaa la filayaa in maalinta berri la soo gabagabeeyo, waxaana soo xiri doona Madaxweyne Farmaajo.