Barlamaanka oo maanta go’aan ka gaaraya Wasiir Xoosh

Wararka Maanta

Golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan caadi ah, oo ay uga hadli doonaan go’aan ka gaarista Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Wasiir Xoosh ayaa waxaa ka yaala mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaanada qaar, waxaana kulankii kan ka horeeyey looga dooday go’aan ka gaarista wasiirka, inkastoo buuq kadib la go’aamiyey in guddiga joogtada Barlamaanka go’aan kasoo gaaraan kadibna golaha lagu soo celiyey.

Wasiir Xoosh ayaa dhowrjeer ku dhaliilay Baraha Bulshada Golaha Shacabka, inkastoo markaan ay suurtagal tahay inuu xilkiisa ku waayo.