Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa loo kordhiyay Waqtiga uu kusoo xulaayo wasiirada cusub ee maamulka Hirshabeelle.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ayaa labo bilood ugu daray Madaxweynaha Hirshabeelle Waqtiga uu kusoo dhisayo Wasiirada.
Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sidoo kale Madaxweynaha ka codsaday in uusan la dhaafin labadaasi bilood soo xulista Wasiirada.
Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa ku guuleystey doorashada madaxweynaha Hirshabeelle 17kii Oktoobar 2016 isagoo la caleemasaaray 22kii Oktoobar 2016.
Cali Cosoble ayaa ku mashquulsan doorashada xildhibaanada Laga soo doortay deegaanada Hirshabeelle, waxaana maamulkiisa oo curdun ah la kowsaday doorashada Soomaaliya, taas oo caqabad ku noqotay inuu soo dhiso golaha wasiirada cusub.