Kulankii Golaha Shacabka oo ugu Dambayn furmay

Wararka Maanta

Golaha Shacabka ee Baarlamaan Soomaaliya, ayaa maanta leh, kullan koodii 3aad ee Kalfadhiga 5aad, kadib markii uu kooran la’aan u baaqday kullankii 1aad iyo 2aad ee Kalfadhigan.

Kulanka ayaa warbixin looga dhagaysan doonaa guddiga dib u eegista Dastuurka Baarlamaan Soomaaliya.

Sidoo kale Ajandaha fadhiga waxaa ku jira, hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

Ajandaha ayaan lagu soo darin, ka hadalka xaaladda Amaan ee dalka, oo ay Mooshin ku codsadeen in ka badan 10 Xildhibaan kullan kii kooram la’aanta u baaqaday maalin ka hor.