Barcelona Oo Xaqiijisay Hishiiska Clement Lenglet

Ciyaaraha

Barcelona ayaa xaqiijisay inay dhameystirtay saxiixa daafaca dhexe ee Seville Clement Lenglet heshiis shan sanno ah.

23 jirkaan ayaa Sevilla uga soo biiray Nancy xagaagii lasoo dhaafay, waxaana uu ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Spain isagoo dhaliyay afar gool 54 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Manchester United ayaa sidoo kale lala xiriiriyay xiddiga reer France horaantii xagaagan, laakiin Barcelona ayaa ku guuleysatay tartanka.

Horaantii bishan, waxaa lagu soo waramayaa in kooxda heysata horyaalka Spain inay isku dayayaan inay wadahadal la galaan Lenglet, madaama aysan diyaar u ahayn inay bixiyaan lacag dhan £ 31.7m.

Si kastaba ha ahaatee, war qoraal ah, Barcelona ayaa xaqiijisay inay la wareegtay daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Sevilla.

“FC Barcelona waxay bixisay lacagta lagu burburin karo qandaraaska Clement Lenglet oo aan hada aheyn ciyaaryahan Sevilla FC,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Barcelona.

Heshiiska shan sano ee Lenglet ee Camp Nou waxaa ku jira qandaraas lagu burburin karo £ 265m