Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay kalsooni ku qabto inay lasoo saxiixdaan xiddiga Arsenal Mesut Ozil iyagoo ku doonaya 17 milyan oo ginni .
Xiddiga heerka caalami ee dalka Germany ayaa qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga soo aadan, taasoo la micno ah in Gunners kaliya ku heli doono lacag hadii uu ka tago Janaayo.
Markii hore waxay sheegtay warbaahinta Isbaanishka in kooxda reer Catalan ay diyaar u tahay inay u soo bandhigto Andre Gomes si ay u helaan Ozil.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Barca ayaa xaqiijin karta inay ku iibsanayso 17 milyan oo ginni, waxaana ay horay u furtay wadahadal lala galayo wakiilka Ozil Erkut Sogut.
29 jirkaan ayaa ku soo bandhigay qaab ciyaareed fiican kulankii Sabtida 2-0 ay kaga badiyeen Tottenham Hotspur at Emirates.