Bayern Munich Oo Xaqiijisay Inuu Ka Tagay Carlo Ancelotti

Ciyaaraha

Bayern Munich ayaa xaqiijisay wararka sheegaya in ay shaqada ka ceyrisay tababare  Carlo Ancelotti.

Horaantii maantai, ayaa la isla dhexmarayay mustaqbalka linka macTalyaaniga inuu ku jiro shaki weyn ka dib markii Bayern Munich ay guuldarro 3-0 ka soo gaartay kooxda Paris Saint-Germain xalay kulankii Champions League.

Kooxda heysata horyaalka Bundesliga ayaa seddex dhibcood heshay seddex kulan oo isku xigta oo  horyaalka ah, waxaana ay ku xiran tahay qaab ciyaareedkooda dhowaanahan, kooxda ayaa go’aansatay inay ceyriso tababarihii hore ee Chelsea iyo Real Madrid.

Karl-Heinz Rummenigge, oo ah agaasimaha FC Bayern Munich ayaa xaqiijiyay bixitaanka tababaraha reer talyaani.

Ancelotti ayaa ka tagay Bayern isagoo badiyay 42 ka mid ah 60 kulan oo ay ciyaartay kooxda Allianz Arena.

W/Q Hafsa haji