Baaqa shirwaynaha Qaran ee lagu Daahfuray Ololaha dib u eegista Dastuurka.

Wararka Maanta

Shirweynaha Qaran ee daah furka Olalaha dib u eegista Dastuurka oo Saddex maalmood ka socday Hotel Royal Palace magaalada Muqdisho ayaa maanta lasoo gabangabeeyey, inka badan 300 Ergay oo  oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, xubno ka socday Baarlamaanka Federaalka, Xukuumadda, Aqalka sare, dowlad goboleedyada ayaa shirkan ka qeyb qaatay.

Maxamed Mursal Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaja Golaha Shacabka  ayaa shirka soo xiray, isagoo halkaas ka jeediyey Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ugu talagalay xiritaanka Shirka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka sheegay marxaladihii uu soo maray shirka iyo howlihii soo socday, waxaa uu ka dhawaajiyay in sababaha shirka ay uga maqan tahay Jubbaland aysan aheyn Dastuur naceyb, balse arrimo kale ay jiraan.

War murtiyeed ka kooban saddex bog ayaa laga soo saaray shirweynaha, waxaana ku jiray qodobo badan oo ku aadanaa doodihii shirka, xilliga dib u eegista la soo gabagabeynayo, in sanadkan inta la dhiman la sii wado howsha dib u eegista, lana saxo qaladaadka farsamo ee ku jira.

Shirweynaha ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in Dastuur ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, ayna Soomaali hoggaamineyso.