Home > Wararka Maanta > Baadi goob loogu jiro cabdirishiid janan oo sababay in lahakiyo duulimaadyada diyaaradaha ee magaalooyinka qaar

Baadi goob loogu jiro cabdirishiid janan oo sababay in lahakiyo duulimaadyada diyaaradaha ee magaalooyinka qaar

Wararka Maanta

Duulimaayadii Diyaaradaha sida maalinlaha uga bixi jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho ee aadi jiray Gobolka Gedo ayaa saaka la hakiyay, iyadoo baaritaano ku socdaan.

Ilo wareed ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegaya in gebi ahaanba la joojiyay duulimaadyadii maanta oo Arbaco ahaa ee aadi jiray deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, sida Garbahaarey, Luuq, Baardheere iyo Doolow.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha loo hakiyay ay ka mid tahay, iyadoo la baadigoobayo Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo shalay ka baxsaday dowladda Soomaaliya, sida ay shaacisay Taliye kuxigeenka Booliska.

Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka Muqdisho ayaa u sheegay Jowhar.com in hakinta diyaaradaha aadi jiray Gobolka Gedo ay la xiriirto baxsashadii C/rashiid Janan oo laga cabsi qabo inuu si qarsoodi uga dhoofo garoonka.

Sidoo kale lama oga in go’aanka lagu hakiyay diyaaradihii aadi jiray Gobolka Gedo in si la mid ah lagu hakin karo duulimaadyada aada Kismaayo, inkastoo ay si caadi ah u socdaan duulimaadyada maalinlaha ee Muqdisho iyo Kismaayo.

Dad fara badan oo saaka u socday Gobolka Gedo ayaa saameyn ku yeelatay joojinta diyaaradaha aadayay gobolkaas.

Sidoo kale waxaa ay saameyn ku yeelatay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo saaka u safro lahaa Gobolka Gedo, oo markii garoonka diyaaradaha Muqdisho tageen lagu wargeliyay in la hakiyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa 31 bishii Agosto ee sanadkio hore ka xirtay Garoonka Muqdisho C/rashiid Janan xilli uu ka yimid magaalada Kismaayo, waxaana ay dowladdu horay ugu eedeysay inuu galay dambiyo dhanka bani’aadanimada.

 

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!