Aqriso: Liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee Galmudug

Shabakadda Ceelhuur Online ayaa heshay Liiska 19 ruux oo ah Musharixiinta Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Galmudug u matalya, waxaana liiskan ka muuqda siyaasiyiin mug iyo miisaan ku leh Soomaaliya. Hadaba halkaan ka aqriso liiska Beesha Murusade : 1- Cabdi Axmed Dhuxulow, 2- Luul Maxamed Sh. Cismaan Beesha Waceysle : 1- C/qaadir Macalin Nuur Siyaad, […]

Continue Reading

Aqriso: Puntland oo ku dhawaaqday Liiska Xubnaha u sharaxan Aqalka Sare

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdi wali Gaas ayaa ku dhawaaqay liiska xubnaha u tartamaya aqalka sare, xubnahaan ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin xilal sare dalka kasoo qabtay sida Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi rashiid, Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo siyaasiyiin kale.

Continue Reading

Daawo: Madaxweynaha Galmudug oo kusoo laabtay Cadaado kana hadlay Dagaalka Galkacyo

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Cadaado, Guuleed ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey Taliyaha Booliska Soomaaliya S/Gaas Maxamed Sh. Xasan Xaamud iyo mas’uuliyiin kale. Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado waxaa madaxda ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi , wasiiro, xildhibaano, siyaasiyiin kale […]

Continue Reading

ILMIHII II GARDHIGTAY!!…. W/Q: Maxamed Dhaaley

Waa Ilmo yar oo dugsi-quraan (Malcamad) ka yimid, Waa laba wiil iyo afar gabdhood, Waddada dhexdeeda ayaa ay ku murmayaan, Goor uu murankoodi xoogeystay, ayaa uu wiil iyaga ka mida aniga -oo jidka maraya- igu soo leexday “adeer, afar konton, iyo laba boqol sow isla ma ega?” Waxa aan ku iri: haa. “Gabdhahaan afarta ah, […]

Continue Reading

Wasiir A/Gudaha :" Waa in shuruud la'aan loo joojiyaa colaaadda Galkacyo"

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebookga ayaa baaq nabadeed u diray labada maamul goboleed Puntland iyo Galmudug in ay joojiyaan colaadda Galkacyo. Shalay iyo maanta ayaa magaalada Galkacyo ciidamada laba maamul ku dhexmaray dagaalo goos goos ah, kuwaas oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho […]

Continue Reading

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo ku baaqday in la joojiyo colaada Gaalkacyo

Gudoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la joojiyo dagaalka ka dhacay Gaalkacyo, islamarkaana laga shaqeeyo sidii loo baajin lahaa dagaal kale oo halkaasi ka dhacay. Sheekh Bashiir ayaa baaq nabadeed u diray dhinacyada ku dagaalamay Gaalkacyo isagoo ka digay cawaaqib xumida ka dhalan karta colaadda […]

Continue Reading

Galmudug oo si kulul ugu jawaabtay Puntland

WAR-SAXAAFADEED MADAXTOOYADA GALMUDUG- CADAADO Waxaa shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowlad- Goboleedka Galmudug iyo kuwa Puntland kadib markii ay dhismo ka bilaabeen dhul aan dhismo loogu talo gelin oo murano ka jireen iyaga oo howlgalkooda ka bilaabay rasaas ay soo fureen, ciidamada Galmudugna halkaas ayay difaac iyo iska cabin ka bilaabeen. […]

Continue Reading

Gabi Oo Hishiis Cusub U Saxiixay Atletico Madrid

Kabtanka kooxda Atletico Madrid Gabi ayaa heshiiska uu kula joogo kooxda Vicente Calderon kordhiyay ilaa xagaaga 2018. 33-sano jirkaan ayaa haatan markii labaad naadiga Atletico, isagoo markii hore ka tagay kooxda ka dhisan caasimada waxa uuna  ku biiray Real Zaragoza 2007, ka hor inta uusan soo laaban xagaagii 2011. Gabi ayaa in ka badan 250 […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Galkacyo

Waxaa saaka aroortii dagaal ka bilowday xaafada Garsoor ee galbeedka Magaalada Galkacyo, waxaana dagaalkan u dhaxeeyaa ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland. Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii maamulka Puntland bilaabaan dhismaha garaash lagu xareeyo xoolaha kala rogga, taas oo ay ka biyo diideen maamulka Galmudug, waxaana dagaalku saaka ku bilow raas fudud, inkastoo barqanimadii oo […]

Continue Reading