Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay gudoomiyaha degmada Balcad

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa u magacaabay gudoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur (Qaasim Furdug), sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa xil ka qaadis ku sameeyey gudoomiyihii degmadaas Cismaan Maxamed Maxamuud (Cismaan Xaadoole). Madaxweynaha  ayaa magacaabistiisa u cuskaday baaq ka yimid bulshada degmada Balcad iyo baahi loo qabo dib u habeyn lagu sameeyo […]

Continue Reading

RW Khayre : Sabtida wixii ka dambeeya dalka xaalad Dagaal ayuu galayaa

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu sheegay Dowladda Federaalka marnaba in aysan raali ka aheyn in la laayo Hooyooyinka iyo Aabayaasha Soomaaliyeed, taasi bedelkeeda ayuu dhalinyarada ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan Dagaal ka dhan ah Shabaab. Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya muhiim in aysan aheyn in Madaxda iyo siyaasiyiinta […]

Continue Reading

Galmudug oo ka Tacsiyeysay geeridii Xildhibaan Bootaan

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo goloyaasha maamulka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo xalay ku geeriyooday dalka Hindiya. Allaha u naxariistee Xildhibaankan ayaa laga soo doortay Galmudug, wuxuuna ka mid ahaa siyaasiyiintii awoodda ku lahaa magaalada Muqdisho.

Continue Reading

Banaanbaxyo waaweyn oo maanta ka dhacaya dalka

Banaanbaxyo waaweyn oo looga diidan yahay xasuuqii  14ka bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ayaa la filayaa inuu ka dhaco magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Beledweyn, iyadoo loogu duceynayo dadkii ku dhintay musiibadaas. Taabid Cabdi MaxamedGuddoomiyaha Gobolka Banaadir  ayaa shalay ku dhawaaqay banaan bax weyn oo ka dhici doona Garoonka kubadda cagta ee Koonis Stadium, iyadoo socod […]

Continue Reading

Xildhibaan Bootaan Ciise oo geeriyooday

Allaha u naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ah Xilhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay ku geeriyooday dalka Hindiya, ka dib markii halkaasi uu u tagey arrimo la xiriira xaalad caafimaad. Xildhibaanka ayaa la sheegay xalay inuu ku geeriyooday isbitaalkii uu ku jiray, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa iyo Xildhibaano ka […]

Continue Reading

Sawirro: Banaanbax looga soo horjeedo Xasuuqii Zoobe oo Cadaado ka dhacay

Banaanbax loogu soo horjeedo xasuuqii 14 ka bishan ka dhacay Zoobe magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay Magaalada Cadaado, dibad baxaan waxaa soo abaabulay dhalinyarada deegaanka. waxa ayna ku muujiyeen dareenka in cadaw ummadda Soomaaliyeed meel looga soo wada jeesto. Goobta Banaanbaxa waxaa ka hadlay Xoghayaha degmada Cadaado Diiwaan Macalin, Gudoomiyaha dhalinyarada Galmudug Caruuse iyo dad […]

Continue Reading

Qadar oo ka qeybqaadanaysa Caawinta dhaawicii Qarixii Zoobe

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qadar Cumar Idriis ayaa bartiisa ku qoray qormadan kooban oo uu kaga hadlayo gargaar walaalaha Qadar ku biirinayaan caawinaada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxii 14 bishan ka dhacay isgoyska Zoobe. Safiirka ayaa yiri :”Waxaan saaka 7:30 aroornimo ku sagootinay eeraboorka militariga ee caanka ah (Al-Cudeyd) diyaaradaha militariga Qatar ee xamuulka […]

Continue Reading

Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Degmada Balcad

Dagaal culus ayaa ka socda deegaan degmada Balcad iyo Afgooye, dagaalka ayaa u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo Alshabaab, wuxuuna bilowday kadib markii ay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay fariisimo ka sameysteen deegaan ka xiga dhinaca galbeed ee degmada Balcad. Rasaastala isu adeegsanayo dagaalkan ayaa laga maqlayaa magaalada Balcad iyo deegaanada u dhow dhow. Wararka ayaa […]

Continue Reading

Sawirro: Dhaawacyadii Qaraxii Zoobe oo Turkiga loo qaaday

Qaar ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Zoobe ayaa saaka loo qaaday dalka Turkiga. Diyaarado ciidan ayaa dhaawaca ka daabulaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre, wasiirka arimaha dibada Yuusuf Garaad iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi ayaa ka qeyb qaadanayay daabulidda dhaawaca. Dalka Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horey uu soo gurmada Soomaaliya. […]

Continue Reading

Dhismaha Caasimadda Cusub ee Soomaaliya… Qaybtii 2-aad

Qaybtii 2-aad Dhismaha Caasimadda Cusub ee Soomaaliya (Sinaariyo: Xog loo qaateen ah) (Xaaladaha aan Caadiga ahayn waxaa looga bixikaraa, Xeelado aan Caadi ahayn) Q: Shariif Cosmaan Odeygii kale oo ganacsatada ka tirsanaa ayaa gacanta taagey. Laakiin intii uusan su’aashiisii u galin ayaa waxaa ka dhexgalay aqoonyahankii horey wax u sharxayey. Wuxuuna weydiiyey bal sida uu […]

Continue Reading