Sawirro: Wasiir ku xigeenka Maaliyadda DFS oo Cadaado soo gaaray

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sh. Cali Qaloocow iyo wafdi la socda ayaa galabta soo gaaray Magaalada Cadaado Caasimadda kumeelgaarka ah Galmudug. Wasiirka ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey Wasiirka arimaha Gudaha Galmudug Mudane Maxamed Xayir Nuur, Madaxa Mashruuca SSF (Somali Stabilitay Fund) Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya Mudane Cali Xaaji. Dhanka kale wafdigan ayaa […]

Continue Reading

Sawirro: Alshabaab oo soo bandhigay Askar ka tirsan Ciidanka Jubbaland

AlShabaab ayaa Degmada Jilib ee Jubbada Dhexe waxay ku soo bandhigeen saddex askari oo ay sheegeen inay ka goosteen ciidanka Maamulka Jubbaland. Askartaan ayaa lasoo bandhigay iyaga oo wata hubkooda, waxayna Warbaahinta Ururka Shabaab ay sheegtay inay ka soo goosteen ciidankaan Saldhiga Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Buulo gaduud. Ciidamadan Jilib lagu soo bandhigay oo watay […]

Continue Reading

Maxkamadda Sare Kenya oo ansixisay guusha Kenyatta

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa tuurtay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta bishii la soo dhaafay. Lixda garsoore ee dhageysanayay dacwaddan ayaa isku raacay guusha Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay. Guddoomiyaha garsoorayaasha David Maraaga ayaa sheegay in garsoorayaasha ay 21 bari gudhaood ku bixin doonaan faahfaahin ku […]

Continue Reading

Sawirro: Cadaado oo si weyn looga dabaaldagay Dhalashada Nabiga NNKH

Magaalada Cadaado caasimadda kumeelgaarka ah Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si weyn looga xusay Munaasabadda Dhalashada Nabigeena NNKH, Dibadbaxayaal calamo iyo astaamo lagu amaanayo nabiga ayaa socod ku maray wadooyinka magaalada. Ka qeybgalayaasha ayaa socodkoodu kusoo gabangabeeyey beerta Macalin Nuur Bartamaha Magaalada Cadaado, halkaas oo culimadu ay ka jeediyeen muxaadarooyin iyo qasiidoon lagu weynaynayo dhalashada […]

Continue Reading

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib Safar shaqo oo uu Labo maalin dalka Kenya ugu maqnaa. Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirkii hore ee arimaha gudaha Xil.Cabdiraxmaan Odawaa, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi, Xubno ka tirsan beesha caalamka Iyo qaar […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Abu-Dhabi (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaray magaalada Abu-Dhabi ee caasimadda dalka Imaaraatka Carabta. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey halkaas. Wuxuuna halkaasi ku tagay booqasho laba cisho ah. Madaxweynaha waxaa gegada diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sultan Bin Saciid Al Badi. Safarkan waxaa […]

Continue Reading

ONLF Oo Qoraal Ka Soo Saartay Go’aanka Barlamaanka Soomaaliya

Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO/ONLF) waxay soo dhawaynaysaa go’aankii ka ka soo baxay Golaha shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya 18 November, 2017 ee ku saabsanaa dhiibista Abdikariim Sh Muuse (Qalbi Dhagax) iyo meeqaamka (status) ururka (JWXO/ONLF). Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu aqlabiyad aad u ballaadhan ku go’aamiyay: In dhiibistii C/kariim Sh Muuse ay ahayd […]

Continue Reading

Warmurtiyeed laga soo saaray Shirweynihii Diyaargarowga Ciyaaraha Gobolada

War Murtiyeed ayaa laga soo saaray shirweynihii ayaa looga hadlayay u diyaar garowga tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee dowlad gobolleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir kasoo lagu qaban doono magaalda kismaayo. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka socday maamulada iyo dowladda dhexe. Shirkaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo oo maanta u ambabaxaya safarkiisii 16-aad

Madaxweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa  inuu maanta u safro dibadda, Sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynaha ayaa u safri doona dalka Imaaraadka Carabta. Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegaya in uu salka ku haayo xiisadda dhanka khaliijka ka taagan iyo sidii dowladda Imaaraadka uu kaga dhaacin lahaa […]

Continue Reading

10 Su’aalood hala weydiiyo Sanbaloolshe

Waa maalin kale oo culeeskeeda wadata, siyaasadda wajiyadda badan ee Somalia hadda waxa kusoo biirtay waaxda is eedeynta , Gudigii loo xil saaray kiiska Qalbi Dhagax waxey farta ku fiiqeen taliyihii shaqada laga eryay ee Nabad Sugida C/laahi Maxamed Cali Sabaloolshe kaas oo sidoo kale ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Somalia. Sanbaloolshe ma joogin fadhigii […]

Continue Reading