Madaxweyne Farmaajo oo kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda Afrika (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda ka qeybgalaysa Shir-Madaxeedka 30-aad ee Ururka Midowga Afrika ee ka dhacaya Magaalada Addis Ababa, waxaana uu la kulmay Madaxweyneyaasha waddamo ay Soomaaliya xiriir dhow leeyihiin, iyaga oo ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii […]

Continue Reading

Shillin Soomaaliga oo dib uga shaqeynaya Magaalada Beledweyne

Ganacsatada magaalada Beledweyne ayaa bilaabay isticmaalka lacagta Shillin Soomaaliga kadib muddo shan bilood oo lacagta dollarka iyo lacagaha mobeelada laga tuuro wax lagu kala iibsanayay. Dadaalo ay sameeyeen Maamulka Hirshabelle, culumaa’udiinka, waxgaradka iyo qaar ka mid ah ganacatada ayaa ugu dambeyntii sababtay in lagu arko suuqyada magaalada Beledweyne lacagta Shillin Soomaaliga oo si caadi ah wax […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay wafdi ka socda Midowga Yurub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira kulamada gaar gaarka ah ee uu la qaadanayo Madaxda Afrika iyo wakiilada Ururada Caalamiga ah ee ka qeyb galaya Shirka Madaxda dalalka Midowga Afrika, ayaa la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub. Madaxweynaha oo uga warbixiyey madaxda wafdiga xaaladda guud ee dalka, ayaa […]

Continue Reading

3 Kursi Golaha Shacabka oo dhawaan la dooran doono

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in ay qaban doonaan Doorashada Kuraasta kale ee ka dhiman Golaha Shacabka. Guddiga ayaa sheegay in Saddex kursi ay ka dhiman tahay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, waxayna Guddiga tilmaameen in Saddex kursi doorashooyinkooda ay ka kala dhici doonaan Magaalooyinka Cadaado, Kismaayo iyo Muqdisho. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan […]

Continue Reading

Jeneraal Cismaan Nuur Subagle oo xilka wareejinaya

Taliyaha Ciidanka AMISOM General Cusmaan Nuur Subagle ayaa dhowaan lagu wadaa inuu wareejiyo xilka uu hada hayo, maadaama uu gaba gabo ku dhow yahay qorshihiisa xil heynta ee loogu tala galay. General Subagle oo la hadlayay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in hada ay socoto qaban qaabada uu xilka ku wareejin lahaa dhowaana uu xilka ku […]

Continue Reading

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Shir-Madaxeedka Midowga Afrika

Addis Ababa, 28 Jan, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey Shir-Madaxeedkii 30-aad ee Midowga Afrika, oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku bilaabay mahadcelin uu u jeediyey Madaxweynayaasha kasoo qeyb galay shirka, isagoo sidoo kale bogaadiyey hiigsiga Afrika ee […]

Continue Reading

Sanbaloolshe oo looga guuleystay Doorashadii Maanta ka dhacday Jowhar

Nuur Iidow Beyle oo helay 27 cod ayaa ku guuleystay Doorashadii maanta ka dhacday Jowhar caasimadda maamulka Hirshabeelle, wuxuuna wareegii labaad ka guuleystay C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo helay 24 cod, kursigan waxaa ku tartamayay ilaa Lix Musharax oo uu ku jiro madaxweynihii hore Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble. Doorashadan oo aad ku adkeyd ayaa horey […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Kulmay

Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Kulmay Addis Ababa, 28 Jan 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo uu ka qeyb galayo Shir-Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika, ayaa waxa ay kulan gaar ah yeesheen Xoghayaha Guud ee Qaramada […]

Continue Reading

Askari Wiil Arday ah ku dilay Magaalada Beledweyne

Ciidamada Ammaanka Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa gacanta kusoo dhigay Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya , kasoo xalay wiil Arday ah ku dilay gudaha Magaalada Baledweyne. Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Bundaweyn,Waxaana ruuxa la dilay lagu magacaabi jiray xasan cabdule maxamed. Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa aad uga naxay dadka reer Beledweyne, waxaana […]

Continue Reading