Sanbaloolshe oo looga guuleystay Doorashadii Maanta ka dhacday Jowhar

Wararka Maanta

Nuur Iidow Beyle oo helay 27 cod ayaa ku guuleystay Doorashadii maanta ka dhacday Jowhar caasimadda maamulka Hirshabeelle, wuxuuna wareegii labaad ka guuleystay C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo helay 24 cod, kursigan waxaa ku tartamayay ilaa Lix Musharax oo uu ku jiro madaxweynihii hore Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Doorashadan oo aad ku adkeyd ayaa horey loo saadaalinayey inuu ku soo baxo Cali Cosoble ama Sanbaloolshe midkood, Musharaxa guuleystay Nuur Iidow ayaa taageero ka heystay Farmaajo iyo Kheyre. Waxaana goobta ka muuqatay in lacagta dowladu badashay saadaashii hore.

Kursigan maanta lagu tartamay waa kursiga beesha Xawaadle gaar ahaan jufada Cali Madaxweyne. Waxaana horey u baneeyey Sanbaloolshe kadib magacaabistiisii Taliyaha NISA bilowgii 2017. Sanbaloolshe ayaa lagu sheegaa Siyaasi Nasiib badan oo hela jagooyinka Siyaasadeed laakiin inta badan kuma nagaado.