Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyey Golaha Amniga Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa casho sharaf soodhaweyn ah waxa uu Madaxtooyada ugu sameeyey Golaha Amniga Qaranka. Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo maanta iyo shalay soo gaaray Muqdisho, ayaa u yimid ka qeybgelitaanka Shirka Amniga Qaranka oo berri furmi doona. Casho sharafta waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya […]

Continue Reading

Eedeysanayaashii Qaraxii Zoobe oo la xukumay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun maxkamadeed waxa ay ku riday eedeysanayaasha Qaraxii Zoobe 14-kii October sanadkii 2017-kii. Maxkamadda oo muddooyinkii dambe waday dhageysiga Kiiska la xiriira  eedeynta ragga ayaa saaka soo gaba gabeysay, waxayna maxkamadda ku dhawaaqday xukunka ah. Xasan Aadan Isaaq Cali Waxaa lagu xukumay dil toogasho ah. C/laahi Ibraahin […]

Continue Reading

Wafdi Balaaran oo maanta tagaya Hobyo

Waxaa la filayaa in ay maanta tagaan magaalo xeebeedka Hobyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Jamaal Maxamed Xasan. Wafdigan ayaa waxaa ku jira Wasiiru dowlaha Howlaha Guud Axmed Cabdi Kaariye, Senator Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan Abtidoon yare, Injireeno Ajnabi ah, iyo ganacsato. Ujeedada safarka wafdigan balaaran ayaa ah qiimeyn lagu sameynayo sida […]

Continue Reading

Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka oo dhawaan ka furmaya Muqdisho

Caasimadda dalka Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa ku qulqulaya Madaxda maamul goboleedyadda, iyadoo qaar ka mid ah horey u joogeen, Madaxda maamulada Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa lagu waddaa in ay soo gaaraan Muqdisho si ay uga qeyb galaan Shir u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Shirkaan ayaa la filayaa in looga hadlo arimo dhowr ah […]

Continue Reading

Howlgallo Baaritaan oo ka socda Waqooyiga Gaalkacyo

Wararka inaga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo. Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Gaalkacyo qeybta Puntland. Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay […]

Continue Reading

Shaqaale Hormuud ka Tirsan oo Qarax ku Dhintay

Laba ka tirsan shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud, ayaa ku dhintay qarax haleelay gaari ay la socdeen, kaas oo maanta ka dhacay duleedka Muqdisho. Qaraxaasi, waxa sidoo kale ku dhaawacmay laba kale, sida ay mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Hormuud ay VOA u sheegeen. Shaqaalahan, ayaa ka yimid degmada Afgooye, waxayna ku soo jeedeen magaalada Muqdisho, ka […]

Continue Reading