Madaxweyne Farmaajo oo maanta furay Shirka Golaha Amniga Qaranka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka Golaha Amniga Qaranka. Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka guddoominayey qodobbada looga hadli doonana waxaa ka mid ah, xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed. Shirka […]

Continue Reading

Muhiimadda Dekadda Hobyo U Leedahay Bulshada Iyo Deegaanka  

Hobyo waa degmo xeebeed qadiimi ah oo ka tirsan Mudug(Galmudug), dhanka barina kaga beegan magaalada Gaalkacyo, magaalo, deegaan bulsho iyo dekad ahaanba waxaa saameyn ku yeeshay dagaalladii ka dhacay. Dadka ku nool magaalada noloshooda waxa ay ku tiirsantahay Kalluumaysiga, waxa ayna leedahay xeeb iyo dekad taariikh leh, taasi oo aan hadda qaban shaqadii looga fadhiyey […]

Continue Reading

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyey Golaha Amniga Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa casho sharaf soodhaweyn ah waxa uu Madaxtooyada ugu sameeyey Golaha Amniga Qaranka. Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo maanta iyo shalay soo gaaray Muqdisho, ayaa u yimid ka qeybgelitaanka Shirka Amniga Qaranka oo berri furmi doona. Casho sharafta waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya […]

Continue Reading

Eedeysanayaashii Qaraxii Zoobe oo la xukumay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun maxkamadeed waxa ay ku riday eedeysanayaasha Qaraxii Zoobe 14-kii October sanadkii 2017-kii. Maxkamadda oo muddooyinkii dambe waday dhageysiga Kiiska la xiriira  eedeynta ragga ayaa saaka soo gaba gabeysay, waxayna maxkamadda ku dhawaaqday xukunka ah. Xasan Aadan Isaaq Cali Waxaa lagu xukumay dil toogasho ah. C/laahi Ibraahin […]

Continue Reading

Wafdi Balaaran oo maanta tagaya Hobyo

Waxaa la filayaa in ay maanta tagaan magaalo xeebeedka Hobyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Jamaal Maxamed Xasan. Wafdigan ayaa waxaa ku jira Wasiiru dowlaha Howlaha Guud Axmed Cabdi Kaariye, Senator Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan Abtidoon yare, Injireeno Ajnabi ah, iyo ganacsato. Ujeedada safarka wafdigan balaaran ayaa ah qiimeyn lagu sameynayo sida […]

Continue Reading

Sawirro : Shirkad soo bandhigtay Naqshada HOBYO CUSUB

Shirkad laga leeyahay dalka China ayaa shalay soo bandhigtay Naqshadda cusub Magaalada Cusub Hobyo. Ma jirto cid wali si rasmi ah qandaraas loogu siiyey dhismaha dekedda Hobyo. laakiin waxaa jira Shirkado badan oo soo bandhigay habka ay u dhisayaan dekedda iyo Magaalada Hobyo haddii qandaraaska la siiyo. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa dadaal badan […]

Continue Reading

Ciidamada Somaliland iyo Puntland oo dagaal Qarka u saaran

Waxgaradka maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa ku fashilmay joojinta dagaal uu dhiig ku daato oo ka dhaca degaano ka tirsan gobolka Sool sidda ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah Waxgaradka. Ciidamada maamulka Puntland oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa gaaray degaano ka mid ah gobolka Sool, sidda degaanka Holhol waxaana halkaasi ay kulamo kula […]

Continue Reading

Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka oo dhawaan ka furmaya Muqdisho

Caasimadda dalka Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa ku qulqulaya Madaxda maamul goboleedyadda, iyadoo qaar ka mid ah horey u joogeen, Madaxda maamulada Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa lagu waddaa in ay soo gaaraan Muqdisho si ay uga qeyb galaan Shir u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Shirkaan ayaa la filayaa in looga hadlo arimo dhowr ah […]

Continue Reading

Mid ka mid ah Shaqaallaha Shirkadda Hormuud oo Muqdisho lagu dilay

Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari gaar ahaan Agagaarka Buundooyinka ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan halkaasi ay ku dileen qof Shacab ah. Sidda ay saxaafadda u xaqiijiyeen dadka degaanka ninka la dilay ayaa waxaa dilay kooxo watay gaari yar, waxaana ruuxaasi uu ka mid ahaa Shaqaallaha Shirkadda Hormuud , waxa ay ku dhex […]

Continue Reading

Howlgallo Baaritaan oo ka socda Waqooyiga Gaalkacyo

Wararka inaga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo. Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Gaalkacyo qeybta Puntland. Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay […]

Continue Reading