Khamri Farabadan oo lagu qabtay dekedda Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya dekedda Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka dowladda ee ku sugan Dakadda  Muqdisho, ay gacanta  ku dhigeen Kunteenar ay ka buuxaan Qamri. Ciidamada ayaa qabtay Qamriga  kadib markii Baaris lagu sameeyay Kunteenarkaasi laga shakiyay. Saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida ee ka hawlgala Dakadda Muqdisho, ayaa amray in Khamrigaan […]

Continue Reading

Qaar ka mid Wadooyinka Muqdisho oo xiran

Qaar ka mid Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran, iyadoona Amniga Magaalada ay si weyn u adkeeyeen ciidamada Ammaanka. Isgoyska Tarabuunka, iyo dhammaan Wadooyinka soo gala Golaha Shacabka ayaa xiran, iyadoona halkaasi lagu daadiyay ciidamo dheeraad ah. Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho ayaa Risaala u sheegay in sidoo kale ay maanta xiran yihiin qeybo […]

Continue Reading

Sawirro: Baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusuna oo la mideeyay

Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug maanta waxaa ka dhacday Munaasabad lagu mideynayay Baarlamaanada Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna, taasi oo ka dhigan in la dhameystiray heshiiskii labadan dhinac ay horey ugu gaareen Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir […]

Continue Reading

Ganacsade Xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa xalay fiidkii gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin Ganacsi ku lahaa suuqaasi, oo lagu magacaabi jiray Xuseen Kuulow. Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa beegsaday ninkan, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo, kadib Dableydii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday. Dad goobjoogayaal ah ayaa  sheegay goobta uu […]

Continue Reading

Guddoonka Barlamanka oo isku khilaafsan xilliga la qabanyo Mooshinka Jawaari

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu ugu jawaabay qoraal ka soo baxay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka C/wali Ibraahim Muudey. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Muudey ayaa shaaciyay in 31-da bishan maalinta Sabtida ah uu qabsoomi doono kulanka looga doodi doono Mooshinka ka yaalla […]

Continue Reading

Maxaa ka socda caasimadda Dhuusamareeb?

Maamulka Galmudug ayaa dhamaadkii sanadkii tagay 2017 heshiis la galay Maamulka Ahlu sunna waljamaaca gobolada dhexe, waxaana heshiiskaas hadda laga joogo in ku dhow 100 aan wali suurtagalin qodobadii ugu muhiimsanaa heshiiskaan ee ahaa isku dhafka labada barlamaanka iyo mideynta ciidmada. Madaxda Galmudug oo todobaadyadan ku sugnaa caasimadda Dhuusamareeb ayaa waxaa wali taagan khilaaf habka […]

Continue Reading

Akhriso: Qodobada Heshiis MD Farmaajo doonayo inuu ku dhexdhexaadiyo Jawaari iyo Kheyre

Shabakadda Ceelhuur.com ayaa heshay nuqul ka mid ah heshiis Madaxweyne Farmaajo doonayo inuu ku dhexdhexaadiyo Gudoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Gudoomiye Jawaari ka biyo diidsan yahay heshiiskan, isagoo ku adkeysana in codeyn lagu kala baxo. Halkaan hoose ka akhriso qodobada heshiiska.

Continue Reading