Maxaa ka socda caasimadda Dhuusamareeb?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Maamulka Galmudug ayaa dhamaadkii sanadkii tagay 2017 heshiis la galay Maamulka Ahlu sunna waljamaaca gobolada dhexe, waxaana heshiiskaas hadda laga joogo in ku dhow 100 aan wali suurtagalin qodobadii ugu muhiimsanaa heshiiskaan ee ahaa isku dhafka labada barlamaanka iyo mideynta ciidmada.

Madaxda Galmudug oo todobaadyadan ku sugnaa caasimadda Dhuusamareeb ayaa waxaa wali taagan khilaaf habka loo soo xulayo xildhibaanada Ahlu sunno ku biirinayso barlamaanka Galmudug, waxa ugu muhiimsan ee la isku hayo ayaa ah 1- in xildhibaanada cusub lagu saleeyo habka awood qeybsiga beelaha degga Galmudug. 2- in aan lagu soo dari karin xildhibaanada cusub shaqsiyaad ka soojeeda deegaano kale.

Madaxda Ahlu sunna ayaa isku dayaya in ay hab u gaar ah usoo xulaan xildhibaanada uga mid noqonaya barlamaanka Galmudug, iyagoo saamiga beeluhu kala badan yihiin, waxaana liiska ahlu sunna soo diyaarisay saami fiican ka helay beelaha udub dhexaadka u ahaa maamulka Ahlu sunna, sidoo kale Beelaha Majeerteen, Xawaadle iyo Jajeele ayaa la sheegayaa in ay xubno ku leeyihiin barlamaanka Cusub, waana arinta ay diidan yihiin Madaxda Galmudug.

labadii maalin ee lasoo dhaafay ayaa waxaa socday wada xaajood la isku soo noqnoqday, waxaana safar uu Jabuuti ku aadi lahaa ka baaqday Madaxweynaha Galmudug, saacadaha soo socda ayaa la filayaa in la dhameeyo kala aragti duwanaanshaha labada dhinac, iyadoo la qaban doono munaasabad balaaran oo  lagu soo bandhigi doono liiska xildhibaanada Ahlu sunna.

Dhanka diyaarinta dastuurka cusub ee Galmudug ayaa gabagabo maraya, waxaan la filayaa in dhawaan la soo bandhigo, kadibna la horgeeyo Barlamaanka Galmudug si ay u ansixiyaan. Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa doonaya in Barlamaanka cusub muddo kordhin 4 sano ah u sameeyo, arintaas oo ay ka biyo diidsan yihiin dowladda federaalka iyo beesha caalamka. Madaxweyne Xaaf ayaa markii la dooranayey waxaa habraac ay soo saartay wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya lagu cadeeyey inuu dhameystirayo waqtigii u harsanaa C/kariin Guuleed, waxaana mudada xil-heystiisa ku eg tahay July 2019.

wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com