Mudo kadib xarun dagmo oo Al-shabaab qarxiyeen oo maanta la dhagax dhigay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhiggay xarunta degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley), halkaasoo bishii May ee sanadkii hore 2019 ay Qarax ka geysteen Al-Shabaab. Xarunta degmada ayaa waxaa ka muuqday burbur ka soo gaaray qarax loo adeegsaday gaari oo isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta, waxaana […]

Continue Reading

Danab oo la wareegtay gacan ku haynta tuulooyin katirsan sh/Hoose

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB ayaa la wareegay tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, kaddib howlgalo saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen. Taliyaha Guutada 16aad ee Ciidanka DANAB Cismaan Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen illaa 20 dagaalame. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay la […]

Continue Reading

Mooshin ku aadan maqaam helida muqdisho oo dhawaan baarlamaanka la horgeynayo

Iyadoo shalay Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka uu qabtay mooshin soo jeedin ah oo ku saabsan Maqaamka Caasimadda Muqdisho oo muddo sanado ah aanay caddeyn matalaadeeda maamul ee ku yimaada rabitaanka shacabka. In ka badan 100 Xildhibaan ayaa saxiixay mooshinkan soo jeedinta ah, waxaana horkacayay Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo muddooyinkii u dambeeyay u ololeynayay […]

Continue Reading

Labada aqal ee baarlamaanka oo ansixiyay miisaaniyada 2020

Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa kulan ay yeesheen waxa ay goordhow ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sanadka 2020. 188 Xildhibaan ayaa ogolaatay ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2020 , hal xildhibaan ayaa diiday halka ay labo xildhibaan oo kalena ka aamuseen Wasiirka Maaliyada Xukumada Faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa horgeeyay sharciganGolaha Sharci dajinta ee labada aqal. […]

Continue Reading

C/raxmaan c/shakuur oo marin habaabin ku tilmaamay baarista hay’adda Nisa ee qaraxii Ex-koontarool

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hor-yimid warkii ay shaacisay Hey’adda Sirdoonka Soomaaliya NISA ee ku saabsanaa in dal shisheeyey uu qorsheeyay qaraxii dadka faraha badan ku dhinteen ee 28-kii bishan ka dhacay Ex Koontarool Afgooye. Jawaab degdeg ah oo bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu ku yiri “Ujeedka qoraalkan laga leeyahay ma […]

Continue Reading

Maamulka gobolka benaadir oo meel mariyay miisaaniyada 2020 ka ee caasimadda

Kulan ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha iyo Miisaaniyadda sanadka 2020, iyadoo kulankaaasi qayb ka ahaayeen Guddoomiye Xigeenada Gobolka, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimayaasha guud, Agaasime Waaxeedyada iyo la taliyaal dhowr ah, waxaana looga dooday Qorshaha horumarinta Gobolka iyo […]

Continue Reading

Howlgal ay siwada jira u fuliyeen Soomaaliya iyo Maraykanka oo lagu dilay saraakiil katirsan Al-shabaab

Dowlada Soomaliya ayaa sheegtay in howlgalo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka laga fuliyey deegaano ka tirsan koofurta Soomaaliya. Sida lagu daabacay wakaalada wararka SONNA howlgaladan ayaa la fuliyay 28ka iyo 29ka bishan iyadoo lagu diley saddex ka mid ah saraakiisha Alshabaab.. Howlgaladan ayaa la sheegay in laga fuliyay […]

Continue Reading