Nabadoon ku eedeeyay ciidamada Kenya dhul ballaarsi ka wadaan Baled Xaawo

Waxgaradka ku dhaqan Degmada B/xaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay waddo dhul ballaarsi, iyaga oo sheeganaya inay leeyihiin qayb ka mid ah degmadaasi. Nabadoon Aadan Weli Muuse ayaa sheegay, in shacabka B/xaawo ay ka war heleen oo  kaliya Taangiyo iyo ciidamo badan oo soo gudbay, islamarkaana cabiranaya qaybo ka mid ah […]

Continue Reading

Dowladda Itoobiya oo aqbashay is casilaadda Guddoomiyaha Golaha baarlamaanka.

Guddiga Fulinta ee Isbahaysiga talada dalka haya ee Itoobiya, EPRDF, ayaa ugu danbeyn aqbalay is casilaadda Abadula Gemeda oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dadweynaha. Abadula Gemeda  ayaa sheegay in ixtiraam la’aanta lagula dhaqmayo dadkiisa ay tahay sababta ugu weyn ee go’aankiisa, hase yeeshee wuxuu wali sii hayn doona booskiisa  xildhibaanimo. Is-casilaadda Gemeda ee bishii Oktoobar […]

Continue Reading

Shirka Gudoonada Baarlamaanada oo Baydhabo ka furmaya

Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya maanta oo Talaado ah waxaa ka furmaya shirka Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada dalka ka jira. Baydhabo shalay waxaa gaaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyey aasha Baarlamaanada […]

Continue Reading

Wasiirka Gaashaandhiga”AMISOM Waa Nabad Dhaliyaal

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa ku tilmaamay ciidamada AMISOM nabad-dhaliyaal halka markii hore ay ka ahaayeen Nabad ilaaliyayaal. Wasiirka ayaa ka warbixiyay howlgaladii ugu danbeeyay ee lagu qaada Al-Shabaab ,bixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya iyo qiimeynta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo baahiyaha dhanka ciidanka ay qabaan. […]

Continue Reading

Jidgooyooyin ku soo batay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo

Sida ay sheegayaan gaadiidleyda isticmaasha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Magaalada Baydhabo, waxaa isbaarooyin badan la soo dhigay halkaasi. Isbaarooyinka oo lagu qaato lacago kala duwan, ayaa qaarkood la soo sheegayaa inay u yaalaan ciidamada Xoogga dalka Somaliya. Wararka waxa ay sheegayaan in isbaarooyinkaan gaadiidka lacago badan looga qaato, islamarkaana dadka dhibaatooyin kala duwan ay ku […]

Continue Reading

Waare oo wada dadaaladii ugu danbeeyay ee lagu ansixininayo Golahiisa Wasiirada

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulamo la leh Xildhibaanada iyo Odayaasha dhaqanka, isagoo dadaal ugu jira sidii loo ansixin lahaa Goliisa Wasiirada uu soo magacaabay dhamaadkii bishii hore. Madaxweyne Waare ayaa xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle ee Jowhar kula kulmay Xildhibaanada, isagoo kala hadlay ansixinta Golaha Wasiirada oo lagu wado in maalmaha soo socda la horgeeyo […]

Continue Reading

Bilayska Masar oo diley 9 ka mid ah dagaalyahanada lagu tuhunsan yahay weerarada argagixisada.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Masaarida ayaa shaacisay Axaddii in sagaal tuhmane oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen weerarro lagu qaaday gacanka Sinai Peninsula  lagu dilay howlgal bilays oo ka dhacay waqooyiga bari ee dalka, Kooxda, oo ku salaysan gobolka Sharciya, waqooyiga Bari ee Qaahira, ayaa lagu eedeeyay weerarrada “qaar ka mid ah xarumaha […]

Continue Reading

Xabbad joojintii Koorfur Suudaan oo ku dhow inay Jabto

Xukuumada Koonfurta Suudaan iyo kooxda mucaaradka ah ee ugu weyn ayaa ku eedeeyay midba midka kale inuu jebinayo heshiiska xabbad joojinta ah oo dhaqangalay habeenkii axada. Heshiiska xabbad-joojinta ayaa ahaa tallaabadii ugu dambeysay oo xal looga gaari lahaa dagaalka afarta sano socday oo bilaabmay ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay madaxweyne ku […]

Continue Reading