Shalay Waxaa Magaalada garoowe Ee Xarunta Gobolka nugaal Waxa Kusoo Gaban-gaboobay Madashii Afaraad Ee Shirka Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Dalka Kaas Oo Laga Soo Saaray Qodobo Dhawr Ah Oo Ay Ku Canaanayeen Dawladda Dhexe Ee Dalka.
Qodobadii Kasoo Baxay Shirkaasi Waxaa Ka Mid Ahaa In Dawlad Goboleedyada Dalka Ay sameystaan Ciidamo isku Dhaf Ah Kuwaas Oo Loo Tababarayo Sidii Al-shabaab Ula Dagaallami Lahaayeen Ugana Saari Lahaayeen Deegaanada Ay Dalka Kaga Sugan Yihiin.
Qaar ka Mid Ah Siyaasiyinta Iyo Aqoon-yahanada Soomaaliyeed ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada Ku Dhaliilay Qodobadii Ay Kasoo Saareen Shirkii Graoowe.
Pro C/raxmaan C/laahi Daqarre Oo ka Mid Ah Aqoon-yahanada Soomaaliyeed Kuna Sugan Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho Oo La Hadlay Ceelhuur.com Ayaa Si Weyn uga Hor Yimid Dhammaan Qodobadii Kasoo Shirkaasi Marka Laga Reebo Hal Qodob Oo kaliya.
Pro Daqarre Waxa Uu Soo Dhaweeyey Qodobka Ku Tilmaamaya In Madaxda Maamul Goboleedyada Ay sameystaan balse Dhammaan qodobada kale Ay la Micno Yihiin Shimbirayahow Heesa.
Dhinaca Kale Pro Daqarre Waxa Uu Xusay In Madaxda Maamul Goboleedyadu Ay Ku Tumanayaan Dastuurka Dalka isla-markaana Ay U Gacan Haatinayaan Wadamo Iyo ururo Shisheeye Taasina Ay Tahay Wax laga Xumaado.
Weli Madaxda Maamul Goboleedyada Iyo Dawladda Faderaalka Ah Ee Soomaaliya Waxa Ka Dhex-taagan Khilaaf Siyaasadeed Inkastoo Weli Xildhibaanada Aqalka Sare Ay Wadaan dadaallo Ay Ku Doonayaan In Lagu Xalliyo Khilaafkaasi.
Hoos Ka Dhageyso Codka Aqoon-yahan Daqarre:-