Barlamaanka cusub Soomaaliya oo maanta kulmaya

Wararka Maanta

Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta ku yeelanaya magaalada Muqdisho kalfadhigooda labaad.

Kulanka ay yeelan doonaan xildhibaanada Labada Aqal ayaa waxaa lagu magacaabi doonaa Guddiyo ka shaqeeya arrimaha Doorashada iyo xilliga ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha.

Sidoo kale xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta lagu waddaa in ay shaaciyaan waqtiga ay dhaceyso doorashada labada Gudoon ee Baarlamaanka iyo sidoo kale ku xigeenadooda.

27-kii Bishan ayaa Muqdisho lagu dhaariyay 283 Xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee dalka, waxaana dhiman xubno kale kuwaas oo aan qaarna wali la dooran halka kuwana lagu eedeeyay in ay ku soo baxeen qaab aan waafaqsaneyn sharciga Doorashada dibna loo celiyay.

Tagged