Aqalka Sare oo Ka horyimid Shirka Golaha Shacabka iyo Guddoomiyeyaasha Baarlmaamada Maamulada ee Baydhabo

Wararka Maanta

Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal uu doonayo in la joojiyo ka qeyb-galka shir ay yeelan lahaayeen Golaha shacabka iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada.

Shirkan oo qorshuhu yahay in uu ka dhaco Baydhabo ayaa qoraal-kan ka soo baxay Aqalka sare kaas oo ku socday madaxweyneyaasha iyo guddoomiyeyaasha golayaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada lagu dalbaday in la joojiyo shirkaasi.

Aqalka sare, waxaa qoraalkiisa ugu muhiimsanaa:

Shirka waxaa uu aqalka sare ku sheegay mid bur-burinaya oo aan la jaan-qaadi karin ku dhaqanka nidaamka federaalka ah.

Waxaa kale oo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada lagu wargeliyay in ay fiiri-gaar ah u yeeshaan saameynta uu shirkaasi ku yeelan karo nidaamka federaalka ah iyo xil gudashada aqalka sare.

Hoos ka Akhri Qoraalka