Wadahadalkii Galmudug iyo Ahlu sunno oo burburay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

FB_IMG_1493299851431

Guddigii dowlad goboleedka Galmudug u matalayay Wada hadalada u dhaxeeya Ahlusunna iyo Galmudug ayaa goor dhow shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hotel Syl magaalada Muqddisho waxa ay  ku dhawaaqeen inuu bur buray Wada Hadaladii ay la lahaayeen Ahlusuna ee ka socday magaalada Muqdisho.

Shirkan jaraa’id ayey Guddigu ku shaaciyeen inuu gebi ahaanba istaagay wada hadaladaas, isla markaana ay sii wadanayaan wixii hada ka dambeeya howshooda doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga wada hadalka Galmudug, ahna Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug Cusmaan Maxamed Cali ( Cismaan Dheere) ayaa sheegay in dhinaca Ahlusuna ay wax ka socon waayeen.

“Wada hadaladii waa istaageen, dhowr kulan oo aan galnay anaga iyo dowladda meel fiican isla gaarnay, waa nala soo dhoweysay, laakiin Ahlusuna ayay wax ka socon waayeen”ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga wada hadalka.

Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu dhowr jeer isku dayay in dadaalo looga mira dhalinayay wada hadalka, balse ay ka dhega adeegeen Ahlusuna, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda ay ku wargelisay in Ahlusuna dhankooda wax ka socon la’yihiin, sidaas darteed maamulkooda ay ku dhaqaaqayaan howshooda ah doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta 30-ka bishan.

Ahlusuna ayaa watay qodobo dhowr ah oo shuruudo, sida in marka hore iyaga lagu soo biiro, in xilal laga siiyo dowladda federaalka, in Baarlamaanka Galmudug xubno ku yeeshaan iyo shuruudo kale.

Wafdiga Galmudug uga qeybgalayey wada hadalada ayaa la filayaa in waqtiyada soo socda soo gaaraan Cadaado, Sidoo kale maanta Cadaado waxaa yimid Musharax Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Beri ayaa la filayaa in Sidoo kale Cadaado soo gaaro Musharax Madaxweyne Galmudug Axmed Cali Hilowle Axmeed Shariif, beri oo jimce ah ayey ku eg tahay diiwaangalinta musharixiinta.