Aqalka Sare oo dhankooda baaraya Xasuuqii Bariire

Wararka Maanta

Guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka ayaa maanta labo guddi oo ka tirsan guddiyada aqalka u xilsaaray weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka, ayaa guddiyadan u xilsaaray weerarkii Bariire, kadib markii qaar kamid ah xubnaha aqalka sare ay ka hadleen dhacadadii dadka lagu laayay.

Guddiga amniga iyo guddiga arrimaha gudaha ee aqalka sare ayaa laga doonayaa inay warbixin ka keenaan sida uu u dhacay weerarkii Bariire iyo waxyeelada ka dhalatay.

Senetor Maxamed Amiin guddoomiyaha guddiga amniga iyo guddoomiyaha guddiga arimaha guddaha ayaa la filayaa in baaritaankooda waxyaabaha ay kusoo ogaadaan ay ku wareejiyaan guddoonka aqalka sare.

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlmaanka ayaa sheegay in warbixintaasi marka ay helaan kadib ay soo saari doonaan warsaxaafadeed dhacadadaasi la xiriira.

Qaar kamid ah xildhibaanada aqalka sare ayaa dalbaday in arintaasi il gaar ah loo lahaado, waxaana kadib xildhibaanada la siiyay fasax kooban oo ciida ah.

Labada guddi ayaa dhawaan warbixino ka siiyay aqalka sare dagaaladii ka dhacay deegaanka Xeraale, weerarkii duqeynta ahaa ee ka dhacay degmada Jilib iyo xiisaddii siyaasadeed ee ka taagneyd Hirshabeelle.