Taliyaha Booliska Puntland oo Shaqada laga joojiyay

Wararka Maanta

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ayaa shaqada ka joojiyey taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen, Cabdulqaadir Faarax Shire (EREG).

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland Camey ayaa  lagu sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay taliyaha ciidamada Booliska Puntland.

Hase yeeshee taliyaha ciidamada Booliska Puntland C/qaadir Shire Faarax (Ereg) ayaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee  Xarunta Maamulka Puntland,ayaa sheegay in shaqo joojinta uu ku sameeyay madaxweyne ku xigeenka Puntland ay tahay mid sharci darro ah.

Ereg  ayaa sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Cameey uu isaga ku amray in uu Taliye qeybeed xilka ka qaado,laakiin uu Ereg ku jawaabay Madaxweynaha in uu warqad soo qoro,kaddibna uu madaxweynaha ku hanjabay in uu isaga shaqada ka joojinayo.

Taliyaha Booliska Puntland ayaa sheegay in 13 dhallinyaro ah oo la xiray caddeyn la’aan uu Taliye qeybeed xabsiga ka siidaayay kaddib markii ay xirnaayeen 5 maalmood,Maxkamad la’aanna ku jireen,isaga oo intaas ku daray in qeybta Garsoorka soo aragtay,taas oo uu ka carooday Camey.

Ereg ayaa intaas ku daray in Camey uusan si wanaagsan ula hadlin intii ay Taleefanka ku wada hadlayeen,waxaana uu ku dooday in xabsiyada Puntland oo dhan ay dhibaato ka jirto,waxaana uu Camey ku sheegay in dhibkaas oo dhan uu C/Wali Gaas mas’uul ka yahay.

 

akhriso wareegtada shaqadaereg