Alshabaab oo soo bandhigay Sawiradda Weerarkii Baar-Sanguuni

Wararka Maanta

Garabka Warbaahinta ee ururka Alshabaab ayaa soo bandhigay weerarkii 23 Bishan ku qaadeen xero ciidamada Xoogga Dalka iyo Kuwa Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Baar-Sanguuni oo gobolka Jubbadda Hoose.

Sawirada ayaa muujinaya ciidanka Alshabaab oo dab qabadsiiyey qeybo ka mid ah xerada, sidoo kale Alshabaab ayaa horey dhowr jeer usoo weeraray xeradaan. iyagoo ku dilay askari Maraykan, taas oo keentay in ciidankii Maraykanka ka guuro xeradan.

Weerarkii Isniintii Xeradan ay Alshabaab ku qaadeen ayaa waxaa ka dhashay khasaare labada dhinac ah, waxaana Alshabaab degmada Jamaame geeyeen Meydad iyo Maxaabiis ka tirsan ciidanka Dowladda.

Kooxda Shabaab ayaa sara u qaaday weerarada xeryaha ciidamada Dowladda, iyagoo arintaan  kaga hortagaya guluf colaadeed oo ciidanka dowladu qorsheeyeen in ay ku qaadaan goobaha ay haystaan Alshabaab gobolada Dalka.