Alshabaab oo nin rayid ah ku toogtay fagaare ku yaal degmada Jilib

Wararka Maanta

Ururka Al Shabaab ayaa fagaare ku yaallo Degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku toogteen nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa Maamulka Jubbaland.

Ninkaan ayaa laga soo qabtay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose, kadib markii ciidamada Shabaab habeen madoow gurigiisa ay u dhaceen, halkaasina ay ka soo afduubteen.

Wararka waxa ay sheegayaan maxkamada Al Shabaab ee Degmada Jilib inay ninkaasi ku xukuntay dil toogasho ah, shalay gelinkii dambena la toogtay.

Ninka Shabaab ay dilka ku fuliyeen, ayaa lagu magacaabaa Saalax Bashiir Cumar, wuxuuna ahaa Nin Oday ah oo ku noolaan jiray Degmada Afmadoow.

Al Shabaab ayaa sheegay ninkaasi inuu la Taliye u ahaa Saraakiisha Jubbaland, islamarkaana uu ka shaqeyn jiray sida ay hadalka u dhigeen dhibaateynta Al Shabaab.