Sawirro: Dhismaha Balaarinta Isbitaalka Cadaado oo Meel fiican maraya

Caafimaadka Wararka Galmudug Wararka Maanta

Howsha dhismaha lagu balaarinayo isbitaalka guud ee degmada Cadaado ayaa maraya heer wanaagsan, waxaana mashruucan noqonayaa mid ugu  weynaa ee laga fuliyo isbitaalka, waxaana maalgalintiisa iska kaashaday bulshada Cadaado iyo Hay’adda SSF.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya dhaqaale kor u dhaafayaa ilaa 300 kun dollar maraykanka ah, Qorshaha balaarinta ayaa isbitaalka ka dhigi doona mid sara u qaada adeegga uu fuliyo isbitaalka, Qeybaha isbitaalka lagu kordhinayo ayaa waxaa ka mid ah saalo  qaliin oo casri, qeybta jiifka bukaanada iyo xarumo kale, waxaana isbitaalkan adeeg siiyaa dhammaan deegaanada Dowlad goboleedka Galmudug.

Guddiga deegaanka ee taageerada Isbitaalka Cadaado ee Tabarwadaag ayaa sheegay in ay meel fiican ay wax u marayaan, iyagoo codsaday bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan dhismaha isbitaalka, waxaadna wixii kaalmaha ugu hagaajin kartaa:

14955811_369329066734465_8960966038046194897_n

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?
?