Danjire Cabdullaahi Warsame ayaa maanta waxaa waraaqaha aqoonsiga Danjirennimo ka guddoomay Madaxweynaha Ruushku, Vladimir Putin, Mr. Cabdullaahi ayaa dalkeena Soomaaliya u fadhin doona magaalada Moscow ee xarunta dalka Russia.
Danjire Cabdullaahi Warsame oo dad badani u yaqaan Cadde-Duqow waa aqoon yahan in badan dalka u soo shaqeeyay, horena wax ugu soo bartay dalka Ruushka kuna hadla Afka Ruushka.
Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Ruushka oo dib usoo laabtay, waxaana Ruushka lagu xasuustaa dhismihii ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa horumar ka sameynaysa xiriirka caalamiga ah, waxaana afartii sano ee lasoo dhaafay dalkeenu ku talaabsaday Inuu soo ceshtay xiriirka wadamo badan oo dunida ah.
Comments are closed.