Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay dagaal culus degmadaasi uu ka dhacay kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Uruka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerareen saldhigyada ay Cidamada Dowladda ku leeyihiin degmadaas,waxaana dad ku sugan degmada Qorooley ay sheegeen in dagaal mudo saacad ku dhow uu halkaasi kadhacay.
Khasaaro labada dhinac ah ayaa la soo werinayaa in uu kadhashay dagaalkaas,waxaana warar aan laxaqiijin ay sheegayaan in uu dagaalka ku dhaawacmay guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Ali Ibrahim.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo aan laxiriirnay ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino dagaalkaas xalay ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararkii utgu dambeeyay ee saakay aan kaheleyno ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Degmada qoryooley ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ay inta badan ka dhacaan weerarada ay geystaan Al-Shabaab oo ku sugan meelaan ka fogeen degmadaas,waxaana saraakiisha ciidamada xoogga dalka ay horay u sheegeen inay ka saari doonaan.