Khatar Cusub: Maraykanka oo isku Balaarinaya Soomaaliya

Wararka Galmudug Wararka Maanta

FB_IMG_1487486327846

Dowlada Maraykanka ayaa saldhigyo ciidan ka sameysatay qaar ka mid ah gobolada Soomaaliya, waxaana hadda muuqata in Maraykanku isku fidinay dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyey  badalay aragtidiisa Soomaaliya, wuxuuna saldhigyo uu ku lahaa dalalka dariska usoo raray gudaha Soomaaliya.

Dowlada Maraykanka ayaa sanadkii 1994 ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya, kadib dagaal ay la galeen taageerayaashii Jeneraal Ceydiid, wixii xiligaas ka dambeeyey Maraykanku Soomaaliya ciidamo kama joogin, wuxuuna adeegsan jiray hogaamiye kooxeedyada.

Sanadkii 2006 ayaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay isbaheysiga la dagaalanka argagixisada, kaas oo fulin waayey himiladii Maraykanku ka lahaa, waxaa intaas kadib Maraykanku Soomaaliya u wakiishay dowlada Itoobiya, oo iyana ku fashilantay howshii Maraykanku ka sugayey.

Maraykanka ayaa meelo badan oo dalkeena ah ka sameeyey ciidamo isaga taabacsan, oo uu mushaarka iyo qalabeyntooda bixiyo, waxaana ka mid ciidamadaas.

  1. NISA oo ka howlgala koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya
  2. DANAB oo ka howlgala koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
  3. PIS oo ka howlgala deegaanada Puntland.
  4. RRU oo howlgala deegaanada Somaliland.

Maraykan ayaa saldhigyo ciidan ka sameystay garoomada diyaaradaha dalka, wuxuuna saldhigyadan ka kaca diyaaradaha Droneka iyo kuwa kale oo howlgalo ka fuliya gudaha dalka. Goobahaas waxaa ka mid ah

  1. Xerada Xalane magaalada Muqdisho
  2. Garoonka diyaaradaha Ballidoogle, Shabeelada Hoose.
  3. Garoonka diyaaradaha Kismaayo, Jubbada Hoose.
  4. Garoonka diyaaradaha Galkacyo, Mudug.

Maraykanka ayaa sidoo kale si dadban u adeegsado ciidamo shisheeye, oo saldhigyo ku leh dalka sida: ciidamada Shirkada SARACEN oo saldhig kuleh xeebaha Puntland, sidoo kale saldhiga dhawaan Berbera laga siiyey Imaaraatka carabta.

Damaca Maraykanku intaa kuma eka, ee waxa uu doonaya inuu isku fidiyo goobo horleh, waxaana ugu horeeya deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Magaalooyinka la qorsheynayo inuu Maraykanku Saldhigyo ka sameysto ayaa kala ah Cadaado iyo Hobyo, waxaana arintaan lagu gorfeeyey kulamo dhexmaray Madaxweynaha Galmudug iyo safiirka Maraykanka Soomaaliya, kulamadan ayaa ka dhacay xerada Xalane, waxaana qorshahaan ku baxaya dhaqaalo farabadan.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah Arintaan ayaa madaxweynuhu u xilsaaray fulinteeda Taliyaha NISA Galmudug iyo Taliyaha Daraawiishta Galmudug.

Si qorshahaan loo fuliyo ciidamada Maraykan ayaa sahmiyey dhulka ay ka dagi karaan Cadaado, halka ay todobaadkan safar ku tageen magaalo xeebeedka Hobyo.

Ujeedada ugu muhiimsan ay Maraykanku saldhigyo uga sameysanayaan ayaa ah sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen kheyraadka dalkeena ceegaaga, waxaana maraykanku burburkii dowlada Soomaaliya ka hor  sahansaday macdanta iyo shidaalka dalkeena.

Hadaba waxaa nala gudboon in Barlamaanka Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu arintaan wax iska waydiiyaan, haddii ay jirto qorshe ay ogyihiina bulshada la wadaagaan.

Qoramadeydan waxaan ku soo xirayaa “Soomaaliya waa mashruuc”.

W/Qorey: Maxamed Dhagacade

Email: ceelhuuronline@gmail.com