Booliska Galmudug oo soo qabtay nin dil Ka geystay Camaara

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta
Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Galmudug, ayaa gacanta ku soo dhigay nin dil ka geystay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay ninkaan inay ku daba jireen, kadib markii uu laba maalin ka hor uu deegaanka Camaara ku dilay nin lagu magacaabi jiray Axmed Shiil oo u shaqeynaayay Hay’adda ICRC.

Taliye ku xigeenka Booliska degmada Cadaado Cumar Macallin Cali, ayaa sheegay howlgalo ay sameeyeen ciidamada Booliska inay ugu suuragashay soo qabashada ninkaasi.

“Meesha dilka ka dhacay waxay Cadaado u jirtaa 195 Km, ciidan Booliis ah waxay ka baxeen halkaan, dabagal dheer kadibna ninka gacan ku dhiiglaha ah waan soo qabannay, hadda saldhigga degmada ayaa lagu hayaa, maxkamad ayaa la geynayaa” ayuu yiri Taliye ku xigeenka Booliiska degmada Caddaado.

Gacan ku dhiiglaha iyo marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu muran ku saleysan deyn dhexmaray inta uusan falka dilku dhicin.