Akhri magaca Mid Kamid ah Wasiiradda Cususb ee K/galbeed oo iscasilay

Wararka Maanta

Mid ka mid ah wasiirradii uu magacaabay madaxweynaha Koonfur-galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay, kaddib markii uu sheegay in xilkaas uu ku qanci waayay.

C/salaan C/llaahi Yalaxoow (Catoosh) oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka, isla markaana ah xildibaan ka tirsan baarlamaanka Koonfur-galbeed ayaa  noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee iska casilay golaha wasiirrada Koonfur-galbeed.

Wasiir ku-xigeenkii is-casilay ayaa sheegay inuu mudnaa xil ka weyn midka uu madaxweynaha Koonfur-galbeed u magacabay shalay, waxaa tani ay ka mid noqonaysaa caqabadaha lasoo darsa wasiirrada la magacaabo.

Sidoo kale, Yalaxoow ayaa sheegay in beesha uu ka soo jeeday ay filesyay wasiir buuxa inay ka helaan golaha wasiiradda cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen.

Dhanka kale, C/salaan Catoosh, ayaa ka mid ahaa Wasiir ku-xigeennadii uu Madaxweynaha Koonfur-galbeed magacaabay, ayaa wasiirrada hambalyo u diray, isagoo ku boorriyay inay kasoo baxaan xilalka loo magacabay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo horay u magacaabay xilal wasiir, ayaa haddana wuxuu shalay wuxuu dhameystiray xubnihii ka dhinnaa golaha wasiirrad