Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah Ururka Alshabaab ee ka taliya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa 16 bishan waxa ay saanad ciidan kala dageen dekadda macmalka ah ee Faax degmada Xarardheere ka tirsan.
Gadiid isugu jira nuuca xamuulka Qaada iyo tikniko ayaa saanadda ciidan halkaas ka daabulay, iyagoo habeenimadii Jimcaha la dagay hub iyo rasaas, ciidankaan ayaa aroortii hore ee shalay dib ugu laabtay Xarardheere, iyadoo uga sii gudbay dhanka gobolka Galgaduud.
Doonyaha keenay hubkaan ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dalka Yemen, waxaa la qiyaasayaa in hubkaan u badnaa hubka fudud iyo rasaas. Alshabaab si qarsoodi ah hub kala daga dekeddaha Macmalka oo ay maamulaan. iyadoo Soomaaliya saaran tahay cunaqabateynta hubka.
Hubkaan ayaa la sheegayaa in ay u soo dhiibeen Alqaacidada Yemen oo ay xariir dhow leeyihiin Alshabaab, Sidaan oo kale Alshabaab ayaa Maarso 2016 ciidan farabadan doonyo ka saaray dekedda macmalka ah ee Mareeg, iyagoo ka dagay xeebaha Puntland.