Agaasimihii Wasaaradda Gargaarka Galmudug oo is casilay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Agaasimaha guud iyo xariiriyaha arrimaha bani aadanimada ee wasaarada gargaarka iyo daryeelka Naafada dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Wehlie ayaa Xilkaasi iska Casilay, Axmed oo Qoraal kooban soo dhigay barta Twitterka ayaa sheegay  Kadib Musuq maasuq Baahsan oo ka jira Galmudug, in labo sano ku dhawaad oo uu Shaqadaan yahay in an wax gargaar ah si Nadiif ah loo gaariisin dadka tabaalaysan balse ay Farxad u tahay inuu si bilaash ah labo sano in ku dhow ugu Shaqaynayay dadka deegaanka uuna ka Faa’iiday Khibrad iyo waaya aragmigo.

Wehlie ayaa Shaqdaan qabtay December 2015 waxayna is Casilaadiisa ku soo aaday Xili ay Shabakada Ceelhuuronline baahisay Raashinkii Dowladda Turkiga ugu deeqday dan yarta Galmudug oo lagu iibinayo Xarumo Ganacsi oo ku yaala Cadaado.

Hoos ka Aqri qoraalka oo kuso qoray bartiisa Twitter ka