Ciidamada dowladda oo qof Rayid ah ku dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ciidamada dowladda ay ku dileen qof Shacab ah. Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka ninkaasi ayaa lagu dilay agagaarka xarunta degmada Kaaraan ,waxaana la sheegay in uu ahaa nin waayeel ah oo u socday saaladda Subax.

Ciidamada dowladda ee ku sugan degmada ayaa la sheegay in ay toogteen ninkaasi. Dadka Shacabka ayaa aad uga naxay falkaasi, waxaana ay bilaabeen banaanbaxyo ay kasoo horjeeddaan dilka ay geysteen ciidamada dowladda.

Dad Shacab ah oo careysan ayaa soo dhoobtay Agagaarka xarunta degmada Kaaraan. ciidamada dowlada ayaa inta badan iska dila dadka shacabka.