Afhayeen Dhaqanka Hawiye oo ku baaqay in la joojiyo colaadda G. Sool

Wararka Maanta

Afhayeen Golaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon CabdiNuur Axmed Diiriye ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya gobolka Sool.

Nabadoonka Cabdinuur ayaa yiri : “Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee ku diriraya dhumay ee Gobolka Sool in ay colaada joojiyaan. Dadka colaada hurinaya Ilaaheey ha ka baqaan, oo dadkooda ha u turaan. Odayaasha dhaqanka iyo Isimada Gobolka waa inay isku xilqaamaan deminta colaada iyo dib u heshiin waqti, naf iyo maal loo huraa oo si dhab ah colaada loogu soo afjara. Waana in dhinacyada oo idil ka qaybqaataan qorshe Waa in aan dhamaanteen meel uga soo wada jeesanaa oo gacmaha qabanaa kuwa colaada hurinaya”.

Colaadda ka aloosan deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ayaa waxaa ku nafwaayey dad ka badan 50 qof, halka dhaawacu ka badan yahay 100 qof.