Wasiir Beyle “Waxaan Dawlad Gobaleedyada Ka Codsanaynaa In Ay Soo Diraan Xisaab Celinta Lacagahii Hore Iyo Dalabka Lacagta cusub”

Wararka Maanta

War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Wasaaraddaha Maaliyadda ee dawlad goboleedyada dalka looga codsaday inay soo gudbiyaan dalabkooda ku aadan qeybta labaad ee lacagaha cusub, islamarkaana ay soo diraan Xisaabta celinta lacagahii hore.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle  ayaa sheegay in Bangiga aduunka uu soo fasaxay lacagaha kabka ah, waxaana dowlad goboleedyada uu ka codsaday soo gudbinta xisaab celinta iyo dalabka lacagaha kabka ah ee cusub.

Halkaan hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda Maaliyadda XFS:-