Madasha Hoggaanka Qaran oo beri shir uga Furmayo Muqdisho

Wararka Maanta

Shirka hoggaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in uu berri ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Madaxda maamul goboleedyada Qaar ayaa Maanta lagu Wadaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka.

Shirka ayaa looga hadlaaya doorashooyinka Soomaaliya , gaar ahaan tabashada ay qabaan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee ku aadan doorashada Xildhibaanada gobolada Waqooyi.