Waxaa caawa isbitaalka guud ee magaalada Cadaado la keenay 13 qofood oo qaba dhaawacyo kala duwan, waxa ayna kala yihiin 12 rag ah 1 Dumar ah. Dadkaan ayaa ku soo dhaawacmay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Qalaanqale ee u dhaxeeyo Dhuusamareeb iyo Xananbuure.
Sidoo kale waxaa isbitaalka degmada Cabudwaaq la geeyey ilaa 4 dhaawac ah, Dhanka kale waxa jirta dhimasho aan la ogeyn tiradeeda. dagaalkan ayaa u dhaxeeyey maleeshiyo beeleed mudooyinkan isku hor fadhiyey halkaas, waxaana dirirtaan la sheegayaa in labada jufo ee uu ka dhaxeeyo ay garab ka mid ah taageero ka helayaan Ururka Ahlu sunna , waana tan keentay in uu soo noqnoqdo dagaalka.
Dhanka Ahlu sunna ayaa waxaa lagu eedeynayaa in ay horjoogsadeen ciidanka xoogga dalka oo kol hore isku dayey in ay kala dhaxgalaan maleeshiyadan, sidoo kale Odayaal ka soo jeeda beesha Cadaado ayaa loo diiday in ay dhexdhexaadiyaan beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay halkaas.
Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku xiran 32 oday dhaqmeed, kuwaas oo maamulka Ahlu sunna wali u xiran. Odayaashan ayaa ka soo jeeday labada juffo ee halkaas ku dagaalamayey, waxaana Ahlu sunna sheegtay in aan odayaasha la sii deyneyn ilaa inta ay xal nabadeed ka keenayaan.